|

Dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo ka wada tashanaya mashruuca JPLG iyo wafdi Puntland ah oo Muqdsiho u safray..

(Pi Garowe) Qaar kamid ah guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland ee uu ka socda mashruuca JPLG ayaa maanta magaalada Muqdisho kusii jeeda, iyagoo halkaasi uga qeyb galaya shirweyne looga tashanayo mshruuca JPLG ee Soomaaliya.

Shirkaan oo horey loogu qaban jiray dalka dibadiisa, ayaa dowladda Soomaaliya waxay dalbatay in loosoo wareejiyo gudaha dalka, uuna u noqdo shir Soomaaliya go’aankiisu leedahay islamarkaana looga baaqsado dhaqaalihii badnaa ee xaga safarka ku bixi jiray.

Sargaal katirsan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa Puntlandi u sheegay in dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu ay ka wada tashanayaan qaabkii mashruucaan loo maamuli lahaa iyo cida hogaamindoonta.

Dowladda Soomaaliya waxay doonaysaa in mashruucaan uu hoos tago wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, waxayna taasi meesha ka saaridoontaa awoodii maamul goboleedyada gaar ahaanPuntland iyo Soomaaliland u lahaayeen inay maamushaan mashruucaan.

Mashruuca JPLG, UN Joint Program on Local Governance, ayaa mashruuc ay ku bahoobeen shan kamid ah hay’addaha Qaramada Midoobay, waana barnaamij lagu taageerayo horumarinta degmooyinka u dhisan yihiin golayaasha deegaanka.

Puntlandi.om

Comments are closed