|

Dowladda Imaaraatka oo ka hadashay weerar Muqdisho lagula eegtay shaqaalahooda gargaarka.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ka hadashay qarax duleedka Muqdisho lagula eegtay wafdi ka socday Hay’addooda bisha cas  oo doonaysay inay gurmad gaarsiiso qoysas kusoo barakacay duleedka Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibada iyo horumarinta caalamiga ah ee UAE Abdulkadir Al Hatimi ayaa sheegay inaanu wax dhibaato ah soo gaarin shaqaalahooda gargaarka, wuxuuna intaas ku daray inay UAE ka go’antahay balanqaadkeeda ku aadan inay caawiso shacabka Soomaaliyeed.

“Ficilada argigixisada nagama celinayaan inaan gargaar ufidino shacabka Soomaaliyeed inagoo ku shaqeynayna Xaaladda bani’aadamnimada ee muhiimka ah,” ayuu yiri Al Hatimi.

Xaalada Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa sii xumaatay dhowr todobaadkii ee lasoo dhaafay, iyadoo gaartay in bishii ugu dambeysay ay u dhinteen ugu yaraan 110 qof.

Abdulkadir Al Hatimi ayaa ugu baaqay bulshada caalamka inay qaadaan tilaabooyin lagu badbaadinayo nolasha dadka.

Waxaa la filayaa inay markab wada raashin gargaar ah oo kasoo shiraacanaya magaalada Sharjah ee dalka Cumaan inuu jimcaha berito ah kusoo xirto dekeda Muqdisho.

Puntlandi.com

Comments are closed