|

Dowladda Puntland iyo bulshada kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool oo heshiis wada galay.

Dowladda Puntand iyo bulshada kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ayaa wada galay heshiis ku aadan is dhex-gal bulsho ah iyo wada noolaansho ku dhisan is qadarin.

Heshiiskaan waxaa dowladda Puntland u matalayay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ahna kusimaha madaxweynaha iyo guddi isku dhaf ah loo saaaray howshaan, dhinaca bulshada Baay iyo Bakoolna waxaa u matalayay wakiiladooda ama waxgaradkooda.

Qodobada lagu heshiiyay waxa kamid ahaa:-

In labada bulsho is dhex-galaan,( waxaa soo galaya guurka, dhaqanka iyo deegaan ahaansho)

In ammaanka si wadajir ah looga shaqeeyo oo loo simnaado iyo In la is aamino.

In shacabka Baay iyo Kakool ee ku nool Puntland ay leeyihiin xaquuqda lamid ah shacabka Puntland, iyagana laga helo wixii xuquuq ah oo lagu leeyahay.

In wixii dhibaato ku ah dalka iyo dadkaba la iska qabto, sidoo kalena in wax laga qabto wixii ay tirsanayaan dad kasoo jeeda Bay iyo Bakool.

iyo in qofkii kasoo jeeda goboladaas oo deegaankiisa u safraya uu qaato ducementa ama qoraal cadeynaya safarkiisa iyo waqtiga soo laabashadiisa, si ay dowladdu uga warqabto, isagana soo laabashadiisa uusan la kulmin wax carqalad ah inta uu safarka soo yahay.

Puntandi.com

 

 

 

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login