|

Dowladda Puntland oo faahfaahin ka bixisay markab lagu haysto xeebaha Puntland.

Agaasimaha la dagaalanka burcadbadeeda ee dowladda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Ducaysane ayaa maanta ka hadlay afduubka markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, kaasoo haatna lagu haysto xeebta degmada Calluula ee gobolka Gardafuu.

Ducaysane oo wareysi siiyay Puntlandi ayaa sheegay afduubashada Markabkaan inaysan ku ahayn wax lala yaabo maadaama ay horey uga digayeen in kalluuumaysiga sharci darrada ah ee ka socda Puntland uu soo celinkaro falalka burcad badeeda Soomaalida.

“Caalamka wuxuu dhagaha ka xirtay baaqyo aan horey ugusoo jeedinay oo ah in wax laga qabto xaalufka lagu hayo xeebaha Soomaaliya, laakiin waxaan nasiib darro ah inaan waxba lagasoo qaadin weerarka lagu hayo xeebaheeda,” ayuu yiri Ducaysane.

Puntandi.com

 

 

Comments are closed