|

Dowladda Puntland oo maanta si balaaran u xusaysa maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aas aaskii SYL.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Eng, Cabdixakiin Camey ayaa maanta Garowe kaga qeyb galaya xuska sannadguuradii 74-aad ee 15-ka May oo ah markii la aasaasay dhaqdhaqaaqii dhalinyarada xornima-doonka ee SY.

Munaasabadan darteed dowladda Puntland ayaa fasaxday shaqaalaha dowliga ah iyo kuwa gaarka ah, waxaana caasimadda Puntland aad looga dareemayaa xuska 15 may.

Wasaaradda shaqada iyo dhalinyarada dowladda Puntland ayaa xuskaan soo qaban qaabisay, waxaana sanadkaan xuska lagu casuumay boqolaal dhalinyaro ah oo isaga kala yimid gobolada Puntland.

Si lamid ah magaalooyinka kale ee Soomaaliya ayay xafladani ka dhacaysaa.

Hadaba halkaan ka akhriso taariikhda 15 may.

15,maayo ama (May) waxay Ummada Soomaaliyeed u tahay maalin qiiymo badan waa maalintii ay hindiseen dhalinyaro Soomaaliyeed dhammaadkii Qarnigii 19, iyo bilowgii Qarnidii 20,naad Inay ummaddooda u raadiyaan Gobanimo, ayna iska rogaan Reeryada Gumeystihii Faranjiga), ee Qarnigaas ku amar tagleynayey Dhulka Soomaalida. Wuxuu hadafkoodu ahaa,

Wadaninimo Daacadnimo

Xilkasnimo Karti iyo Hiil iyo Hooba,waxay lahayen Hadaf iyo Hami ku dhisan Han weynaan,iyo raadinta sharafta iyo cisada ummadda muslumka ee Soomaaliyeed,,,

-Ummad kasta waxay leedahay taariikh ma guurta o ay hindiseen hal-doorka ummadaas waxayna gashaa keyda xasuusta Qaranimo e ela xuso, 15 bisha shanaad sannad weliba waa maalinta aan xasuusan dono dhalintii u halgamay, sharafta Ummaddeenna..

Horaantii sannadkii 1943kii ayaa waxaa sheekaystey sida ay taariikh yahanada xusan)! C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke oo siweyn saaxiibbo` u ahaa ayaa , waxay is waydiyeen sidii ummadda Soomaaliyeed uga bixi laheyd nidaamkii guumaysiga.

15-kii maajo ama (may)1943 waxaa u suurta gashey 13 dhalinyaro Soomaaliyeed inay asaasan ururkii (SYC) Somali Youth Club ) ama ururka dhalinyarada Soomaaliyeed” kaasi oo markii dambe isku badaley ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee (SYL)

Somali Youth League), sannadkii 1947-kii bishii May’ maanta oo kale ayaa ururka (SYL) si rasmiya uu magacaas u qaatay, sida taariikhda ku xusan..

Hormuudkii Somali Youth Clup

Waxaa xiligaas Gumaystuhu dhulkeenna haystay kadhiidhiiyey Ururka dhalinyaradda Soomaaliyeed SYL) oo kala ahaa

1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin. Waxa uu ku dhashay Degmada Tiyeeglow ee ka tirsan Gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919kii. xiligaasi wuxu jitey 24 sanno.

2. Max’ed Xirsi Nuur (Siidii), waxa uu ku dhashay Magaalaa Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915kii, xiligaasi wuxuu jirey 28 sanno.

3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke , waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sanno

4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sanno)

5. Cismaan Geedi Raage, waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sanno)

6. Dheere Xaaji Dheere. Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1926kii Xiligaasi wuxuu jirey 17 sanno

7. Daahir Xaaji Cusmaan. Waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sanno ah)

8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1927kii (xiligaasi wuxuu jirey 24 sanno )

9. Maxamed Cali Nuur, waxa uu ku dhashay Degmada Shangaani oo ka tirsan Gobolka Banaadir, sanadkii 1927kii (xiligaas wuxuu jirey 16 sanno)

10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud sanadkii 1925kii xiligaasi wuxuu jirey 18 sanno.

11. Xaaji Maxamed C/llaahi (Xayeesi), Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1918kii(xiligaasi wuxuu jirey 25 sanno)

12. Huudoow Macallin Cabdulle waxa uu ku dhashay Mareerey oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926kii (xiligaasi wuxuu jirey 17 sanno)

13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo sanadkii 1910kii(xiligaasi wuxuu jirey 33 sanno)..

Himilooyinkii Ugu dambayn Guuleystay

Ururka (SYL)wuxuu shaaca ka qaadey qorshe,yaashisii siyaasadeed wuxuuna ku dhawaaqay inay u halgamayaan”xorrnimo” gaarsiinta Ummada Soomaaliyeed, iyadoo xiligaasi Soomaaliya ay u qeybsaneyd shan qaybood oo gacanta ay ku hayeen Guumaystayaashii Reer Yurub) & kuwo ay wakiil ka dhigteen..

S,Y,L waxay shidey iftiin gobanimo doon ah waxayna dhexeda u xirteen in ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto inay hesho gobanimo buuxda) isla markaana lahelo Soomaaliweyn oo xorrnimo ku nool.

Dhallinyaraasi SYL” waxaa xiligaasi u suurta gashey in ay mideeyaan Shacabka Soomaaliyeed si looga hortago gumeysiga marka laga reebo in yar oo gumaysi KALKAAL) ahayd mooye inta badan dadka Soomaaliyeed aad ayey u tageereen. waana mida keentay guushii ay gareen dhalintaas..

Hagar daamooy ay u adkeysteen

Xisbigii (SYL) waxaa la soo gudboonaadey “turanturooyin” badan iyo hagardaamooyin taasoo uga imaaneysay cadawgii ummadda Soomaaliyeed isla markaasana donnayeey in lagu wiiqo ujeeddooy koodii Gobanimo doonka waxaayse uga gudben wada jir iyo hadaf midaysan..

Sikastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in xisbigii dhalinyaradii (SYL) u baal dahaba ka galay Taariikhda Geeska Africa) gaar ahana Soomaaliya uuna kaalin muhiima ku lahaa helidii Xornimada ummadda Soomaaliyeed ku faanto manta waxaase is weydiin mudan 73 Sanno kadib meeday guushii dhalintu u halgameen?.

Hadafkii Dhalintii SYL,,

Hamigii iyo himiladdii dhalintii Soomaaliyeed ee Somali Youth League), wuxuu ahaa inay Soomaliya mid ka dhigaan inay Soomaaliya xornimo garsiiyaan wuxu ahaa inay mustaqbalka ka tagan Taariikh maguurta (Alle Mahadis )way gareen riyadoodii waxaase loogu abaal guday73, sanno kadib kala qaybinta dadka Soomaaliyed Qabyaal iyo Qaran la,aan, waana meeshii laga yiri guusha inaad hesho waa sahlan tahay laakiin inaad Hannato,ayaa ka muhiimsan..

Dhalinyaradu waxay isla qateen in la dhiso Golle)dhalinyaro inta laga gaarayo waqti ku Habboon in ladhiso xisbi siyaasi ah, waxaana la dhisey Golaha dhalinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Club), waxaana xiligaasi ay aheyd 15-kii May 1943-kii.

– In la dejiyo barnaamij ku meel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.

La kulankii Xaakimkii Isticmaarka,,

Markii ay qoreen codsigii ayey 13,kii dhalinyaro waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Ingriiska u fadhiyay Muqdisho waxyna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaas ay qabeen in fekerkooda guuleysan doono halka qaarna ay qabeen in ay xarig muteysan doonaan iskaba daa in codsigoodu u hirgalo,laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caan baxday ee aheyd:-

“Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in idnaan kuwa heshiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa (dhurwaayo) iyo Ari’ xero lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu heshiin kartaan khilaaf la’aan..”

Hase yeeshee, dhalintii 13ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin karin hogaamiyayaasha gumaysiga ayaa ugu jawaabay “hadalkaaga waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano,waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan Ariga u cunin,mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool (Naadiga) oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin”.

Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin laheyd Naadiga C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin, ayaa Guddoomiye loodoortay halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) loodoortay ku xigeeno sidookalen Yaasiin Xaaji Cusmaan ayaa loo doortay Xoghayaha Guud,

Baahintii Ururka

Laga soo bilaabo sannadkii 1943kii waxaa Xisbiga SYL)laga furay Gobollada dalka Soomaaliya oo idil, waxaana sii kordhay taageerada uu helayo taasi oo aheyd mid ay u dhanyihiin bulshada qaybaheda kala duwan sida Odayaasha, Culumo ,awdiinka dhalinyarada, Haweenka, & Ganacsatada.

Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:

1. Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin.

2. Damaca gumeeystayaasha Ingiriiska oo kadhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo dhan loodhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii, Gumeysiga Soomaaliya..

3.Iyo Abuurida Xisbiyo Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, xiriirna uu ka dhexeyey Gumaystihii shisheeye..

Geeridii Xog-hayihii Ururka

Goor dambe oo xisbigii uu meel fiican gaarsiiyey halgankiisii gobanimo doonka ayaa waxaa Geeriyoodey AUN)-xoghayihii xisbiga Yaasin Xaaji Cusmaan Sharma’arke waxaana uu ku dardaarmey in jagadiisii loo magacaabo AUN)-Halgame Cabdulaahi Ciise Max’uud oo xiligaasi ahaa Wakiilkii (SYL) ee magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan–

halkaasi ayaa laga soo wadey Cabdulaahi Ciise waxaana uu qabtey jagada xoghayaha guud ee SYL, isagoo hayey xilkaasi ilaa iyo ay (SYL) ay keentey guusha xoriyada ummada Soomaaliyeed, waxaana Cabdulaahi Ciise loo magacaabey Ra’iisal wasaarihii xukuumada daakhilga aheyd ee Soomaaliya intii aan xoriyada si buuxda loo qaadan

Hanashadii Guusha

Guushii halgankii SYL) ay Hogganka u haysay waxaa lagaaray 1da July 1960kii Waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya ay isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiib daro noqotay inaan hannan weeynay xorriyadii iyo dowladnimadii. Maantana Tuula kasta tan kale ay xudduud ka samaysanayo dhalintii Soomaaliyeed ay u kala safanyihiin Qabiil Gobolgobol, iyo Tahriib,

Dhalinta Soomaaliyeed maanta waxaa lagudboon inay taadiyaan maadi gooban, dhexdana u xirtaan midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo siday taariikh uga tagi lahayeen lamida dhalintii Qarnigii Labatanaad, oo kale,,

Allaha u naxariisto intii dhimatay inta noola allaha ciseeyo, Abbayaashii Gobonimo Doonka Ummadayda…

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye arrimaha bulshad

Puntlandi.com

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login