|

Dowladda Puntland oo shaqaalo u tababaraysa garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Garowe.

Garowe (Puntlandi) Dowladda Puntland  ayaa shaacisay inay bilaabayso wajigii ugu horeeyay ee shaqaalo dhalinyaro ah loogu tababarayo inay ka howlgalaan garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Garowe, kaasoo dhawaan xariga laga jaray.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland, ayaa lagu sheegay in shaqaalahaan loo tababaridoono qeybaha Aviationka sida hagida diyaaradaha, isgaarsiinta, IWM.

Wasaaradda waxay sheegtay inay  tixgalin gaar ah siindoontaa ardayda dhameysatay dugsiyada sare.

Halkaan hoose ka akhrso faahfaahin.

 

 

You must be logged in to post a comment Login