abaaraha
|

(Dhageyso) Dowladda Puntland oo sheegtay in si guul ah lagu xaliyay arrintii ciidamada gadooday.

 

Dowladda Punland ayaa sheegtay in guul ah lagu xaliyay tabashadii qaar kamid ah ciidamada kumaandooska dowladda Puntland, kuwaas oo maanta si rasmi dib ugu laabtay xarumahoodii ciidan.

Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay inaanu jirin wax dhibaato ah ama rabshad ah oo ciidamadaas ugeysteen intii ay maamulayeen kantaroolka koonfureed ee Garowe.

Masuuliyiinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shakhsiyaad iyo kooxo kasoo horjeeda midnimada Puntland, kuwaas oo baraha internetka kusoo qorayay hadalo been abuur ah oo ay dadka ku jahwareerinayeen

“Maanta waad ujeedaan waxaanu joognaa kantaroolkii koonfureed ee Garowe, markii aan wareysanay masuuliyiinta Kastamka iyo kuwa maamulka kantaroolka dhammaantood waxay noo xaqiijiyen inaanu jirin wax qalab ah ama hanti ama maxaabiis ah oo maqan,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne.

Halkana ka dhageyso codadka.

Puntlandi.com

Comments are closed