|

Dowladda Puntland oo xuduudaheeda ka difaacday doorashada maamulka Somaliland.

Dowladda Puntland ayaa ku guulaystay kana dhabeysay mowqifkeedii ahaa inaysan xuduudaha gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ka dhicin doorasho ku sheega maamulka Hargeysa ee Soomaaliland.

Warsidaha Puntlandi oo xiriiro kala duwan la sameeyay maamulada gobolada, ayaa ogaaday inaanay jirin hal degaan oo kuyaala xuduudaha Puntland oo laga fuliyay doorashada Soomaaliland.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamud Imaaciil Ciyoon, oo la hadlay Puntlandi ayaa sheegay  inu dhaqan galay go’aankii dowladda Puntland kusoo rogtay gobolada Sanaag iyo Haylaan, kaasoo ahaa inaysan guryahooda kusoo bixin oo aysan ka qeyb qaadan doorasho Soomaaliland.

Guddoomiyuhu gobolka Sanaag wuxuu sheegay in degmada Ceerigaabo uu amarkaas ka dhaqan galay iyadoo dadku aysan gurayahooda kasoo bixin marka laga reebo tiro yar.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in degmada Xingalool uu haatan ku sugan yahay wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdulaahi Dowlad iyo wafdi la socda, halkaasna wuxuu cadeeyay inay dowladdu ammaankeeda sugtay. Waxaa kale oo guddoomiyuhu in degmada Hadaaftimo si lamid ah aysan ka socon wax doorasho ah, dadkuna ay dhigeen mudahaaraad loogasoo horjeedo sanaadiiq tikniko lagusoo qaaday.

Gobolka Cayn, ayaa kamid ah meelaha ciidanka Daraawiishtu ka hortageen codbixin la doonayay in laga sameeyo tuulooyinka iyo degaamo hoos yimaada Buuhoodle.

Magaalada laascaanood ayaa ku jirta bandow waxaana la joojiyay dhaqdhaqaaqa gawaarida mana jirto meel ay ka socoto doorasho marka laga reebo dad  been loo sheegay kuwaa oo loo balan qaaday inay dhaqaale ku helayaan.

Intii olalaha socday ayaa xisbiyada SNM-ya dhaqaale xad-dhaaf ah ku bixiyeen dhaqaale xiligaa oo ay balan qaadeen in kaadhadhkana laga iibsan doono taasoo saaka been noqotay

Puntlandi.com

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login