|

Dowladda Soomaaliya mag-dhow weyddiisatay markab loo haysto in uu jaray internet-kii

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in markab khasaare weyn u geystay internet-ka xawaaraha dheer ee fibre Optic ee laga isticmaali jiray koonfurta Soomaaliya haatan mag-dhow dowladdu weydiisanayso

Internet-ka go’an ayaa waxaa ka dhashay khasaare maaliyadeed oo baaxad weyn,waxaana dalku dhummiyey $150 malyan oo dollar muddadii 15 beri ahayd ee uu go’naa,balse hadalka xeer ilaaliyaha ayaa u beer qaboojinaya soomaali badan oo aad uga carooday markabka gooyey internet-kii ee khasaaraha dhaqaaale dalka u geystay.

Xeer ilaaliyaha oo aan magaacaabin markabkaan iyo shirkadda leh ayaa tilmaamay in haatan Soomaaliya aysan ahayn meel wixii doona lagu sameeyo,dabadeedna si yar lagu dhaafo,wuxuuna codsaday in shirkadda markabkaan leh si deg deg ah jawaab uga bixiso.

Markab jooga xeebta Muqdisho ayaa falkaan lagu eedeeyey,balse ma jirto cid caddaymo rasmi ah u haysa warkaasi.

MSC Alice oo ah markabka lagu tuhunsan yahay in uu internet-kii jaray ayaa dowladda Soomaaliya ku amartay inaanu bartiisa ka dhaqaaqi Karin ilaa iyo inta laga xaqiijinayo dhacdadaa.

puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login