Dowladda Talyaaniga oo soo dhoweeyay madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud
Wasiirka arrimaha dibedda Taliyaaniga Giulio Terzi ayaa ku tilmaamay doorashadii madaxweynaha cusub ee jamhuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud tallaabo dhinaca horumarka ah oo ay Soomaaliya ku tallaabsatay.
Wasiirka oo war qoraal ah kasoo saaray doorashada madaxweynaha cusub ayaa sheegay in baarlamanka Soomaaliya uu sameeyay isbeddel cusub, wuxuu tilmaamay in ay beesha caalamku sugeyso in la soo dhiso xukuumad cusub oo tayo leh, oo wax ka qabata xaaladda adag ee dalka.
Giulio Terzi ayaa caddeeyay sida ay muhiim u tahay inay xilligaan Soomaaliya ka baxdo kumeel gaarka, isla markaana ay u gudubto dowladnimo rasmi ah, wuxuu u mahadceliyay dhammaan dadkii suurageliyay arrintaas.


