|

Dowladda Uganda oo amar soo rogtay kadib dilkii afhayeenkii booliska dalkaas.

 Dowladda Uganda ayaa amartay dhammaan dadka ku nool dalka Uganda  in ay dib u diiwaangaliyaan Numberada Taleefanada ay isticmaalaan.20-ka Bishaan cidii aan isdiiwaangalin Numberada wey ka xirmayaan, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hay’addaha amniga.

Soomaali badan ayaa hadda dib u Diiwaangalinaya Numbaradooda,waxaa arintaan ay saameysay dhammaan Shirkadaha bixiya Adeega Numberada Taleefanka.

Amarkaan Dowladda Ugandha waxa ay ku sheegtay dilkii loo geystay Afhayeenka Booliska Ugandha in laga soo wacay Numbero ku diiwaangashan Magac aan la garan,taasina waxa ay keentay in Dowladda soo rogto amar cusub oo ku Aadan qaadashada Numberada.

Andrew Felix Kawees ayaa la dilay bishii march xilli uu kusii jeeday gurigiisa, illaa iyo hadana lama qaban dadkii ka dambeeyay.

Wariye Cabdiraxma Black -Kampala.

Puntlandi.com

Comments are closed