|

Dr. Farole Oo Ka Shaqayn Doona Dib-U-Eegiska Dastuurka Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa ka shaqayn doona Dib-u-eegis lagu samayn doono Dastuurka Soomaaliya, ka dib markii uu qayb ka noqday Xubnaha Aqalka Sare u matalaya hawlahaa.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa horay uga soo shaqeeyay arrimaha Dastuurka, isla markaana ah Xog-ogaal xog badan u haya hawlaha Dastuurka.

Xubnaha uu ka mid yahay Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa gaaraya 5-xubnood, kuwaas oo lagu soo doortay Nidaamka 4.5.

Dib-u-eegista Dastuurka qabyaha ah ee Soomaaliya ayaa dawlada Federaalka Soomaaliya ay bilaabi doonta waqtiyada soo socda.

www.puntlandi.com.

Comments are closed