|

(SAWIRRO) Dr. Maxamed Jaamac Salaad oo maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo.

AUN, Marxuum Dr Maxamed Jaamac Salaad oo dhowaan ku geeriyooday dalka Talyaaniga ayaa maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaa marxuumka aaskiisa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka, dowladda Puntland, siyaasiyiin, maamulka gobolka, dhakhaatiir u dhashay dalka Talyaaniga, Isimo iyo shacab ka kala yimid deegaamada Puntland.

Dhammaan dadkii aaska ka qeybgalay ayaa alle uga baryey naxaris iyo janno. Dhakhtarka ayaanna ku geeryoodey dalka Talyaaniga siddeedii bishan August.

 

 

Comments are closed