|

Duqa Degmada Garowe:”Dadka Muwaadiniinta ah ee Caasumada ku dhaqan waa inay dawlada la shaqeeyaan”

Magaalada Garowe ee Caasumada Puntland ayaa waxaa ka socda hawlgal lagu bannaynayo Guryaha Waddooyinka galay, kaasi oo si habsami leh u socda.

Duqa degmada Garowe ee Caasimada Puntland Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ka codsaday inay dawlada kala shaqeeyaan Waddooyinka la bannaynayo.

Wuxuu intaas ku daray in hawlgalku uu yahay mid balaaran, kaasi oo uu sheegay inuu samayn doono cid kasta oo Waddooyinka soo gasha.

”Dadka ku dhaqan Garowe waa inay u diyaargaroobaan cid ALLAALE iyo cidii waddo saaran lama daynayo, cidii Baraag ka dhisatay, cidii Xero ka dhisatay, cidii Geed ku beertay, sidii ay ahayd ayaan Wadada uso saaraynaa, waa hawlgal balaaran, dhamaan dadku waa inay sii furfurtaan dhulka ay dhisteen” Ayuu yiri duqa degamada Garowe.

Wuxuu intaas ku daray”…..Dadka Muwaadiniinta ah ee Caasumada ku dhaqan waa inay dawlada la shaqeeyaan, hawlshan waa hawl aan waxba reebayn, qofkii soo gala wixiisa isagaa iska khasaariyay”.

Si kastaba ha ahate, magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa hormuud u ah magaalooyinka ugu bilicdasan Puntland.

www.puntlandi.com.

 

Comments are closed