|

Exclusive– Shirka Kismaayo lagu qabanayo 20 bishaan yaa kasoo qayb galaya Maxaase looga hadlayaa

kismaayo
Madaxweyne Xasan Sheikh Wuxuu u dhoofayaa oo looga yeeray 28 bishaan Xarunta Qaramada Midoobay ee New York halkaasoo oo looga fadhiyo inuu Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey uu ka hor akhriyo Warbixin ku saabsan Qorshaha ama Hiigsiga 2016 ka, Qorshaasoo ah ama la rabo inuu noqdo mid ka turjumaya Siyaasad Mideysan oo ay ku mideysan yihiin Hogaamiyayaasha Saamigaweyn ku leh Siyaasdada Dalka, Waxaana Madaxweynaha si cad oo waadixa loogu sheegey inaan cidna ka dhagaysaneyn Barnaamij uu isagu jeebka kalasoo baxay oo aysan waxba ka ogeyn Maamulada tunka weyn ee Dalka ka jira tasoo macneheeda loo cadeeyey.

Dhinaca kalena waxaa Warbixinta laga sugayo Madaxweynaha looga fadhiyaa iney ku cadahay oo qura hal su’aal oo Farwaaweyn loogu qoray tasoo ah ,, Okay 2016 Dalka kama dhici karto Doorasho Qof iyo cod ah, Doorasho noocee ah ayaad isku raacdeen iney Dalka ka dhacdo?

Waxaa kaloo Madaxweynaha si cad oo farwaaweyn ah loogu sheegey in uu iska ilaawo inuu New York la tago hadalheyn ah Baarlamaanka iyo Madaxweynaha wakhtiga haloo kordhiyo.

Hadaba Kulankii gaabnaa ee maalin kadib Caleema saarkii Madaxweyne Axmed Madoobe ka dhacay Kismaayo oo Hogaamiyayaasha Soomaaliya ay isku arkeen waxay Beesha Caalamku oo ay Wakiil ka ahaayeen Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nickolos Kay ay dareensanaayeen inuusan jirin Qorshe lagu mideysan yahay oo New York lala tago , waxay Beesha Caalamka soo jeediyeen in Masuuliyiinta Soomaaliya ay miis wada fariistaan ayna wada dajiyaan wixii New York lala tagi lahaa.

Waxaa lasoo jeediyey in 20 bishaan Septeebar la isugu yimaaado Shir wada tashi kasoo lagu balamay inuu ka dhaco Kismaayo uuna marti galiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa la isku raacay in Shirkaas loogasoo qayb galo si guud.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu soo hogaaminayaa Wafdi ka kooban Dowlada Federaalka iyo Maamulada aan wali dhameystirmin sida Galmudug.

Dhinaca Dowlad Goboleedyada waxaa kasoo qayb galaya Madaxweynayaasha Dowladaha Jubbaland , Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Shirku wuxuu dhacayaa 20 septembar 2015 wuxuu ka dhacayaa Kismaayo.

Xogtaan ay soo ururiyeen howlwadeenada Puntlandi waxaan ka helney illo dublamaasiyadeed oo aad loogu kalsoon yahay.

Puntlandi.com
Nairobi

Comments are closed