|

(Sawiro) Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Kaso Baxaysa Soomaali Lagu Laayay Dalka Yaman

Dooni ay saarnaayeen dad Tahriibayaal ah ayaa lagu dhuftay Gantaal, xilli ay maraysay Xeebaha dalka Yaman, kuna sii jeeday dalka Suudaan.

Warsidaha Puntlandi ayaa xiriiro kala duwan la sameeyay dalka Yaman, waxaana uu ogaaday in dadka dhintay ay ka badan yihiin Soddon qof, isla markaana ay isugu jiraan Rag iyo Dumar.

Waxaa jira dad ku dhow Toban qof oo dhaawac ah, kuwaas oo Xuutiyiintu ay gacanta ku hayaan, waxaa kale oo la qabtay dad kaso badbaaday Weerarka, kuwaas oo la socday Doonta.

Soomaalida la laayay ayaa isugu jiray dad horay joogay meesha oo ahaa Qaxooti iyo kuwo cusub oo dhowaan meesha gaaray, waxaana dadkaas oo la isku daray oo ka badan Boqol qof la saaray Dooni, taas oo dhacdada Gantaalku uu haleelay.

Waxaa jira Waalidiin badan oo Soomaaliyeed oo ay ka maqan yihiin dad ka Tahriibay, kuwaas oo baadigoon wali ku jira.

Inkasta oo dhacdadan aadka looga naxay ay ka dhacday dalka Yaman oo dagaalo ay muddo ka socden, hadana waxaa wali Yaman ku sugan Soomaali badan oo doonaya inay u Tahriibaan dalalka Qaaradda Yurub, kuwaas oo Yaman ay marin u tahay, ugana sii gudba Suudaan oo ay ka aadan Liibiya oo ay ka raacaan Dooni ay ku tagaan dalka Talyaaniga.

www.puntlandi.com.

Comments are closed