Faahfaahin kooban– Afar dhalinyaro ah oo ku dhimatey qaraxa iyo dhowr dhawac ah
Wiil ka mid ah kamid ah Ilaalada Raysal wasare Gaas iyo labo kamid ah Illaalada Danjire Cali Amerika (safiirka soomaaliya ee Kenya) ayaa naloo xaqiijiyey iney ku dhinteen Qarixii ismiidamiska ahaa ee lala beegsadey Barxada Hotel Jasiira xili ay Hotelka dhexdiisa ku sugnaayeen Madaxda Dowlada iyo masuuliyiin beesha caalamka ah. Waxaa iyana dhimashada kamid ah askar ka tirsan kuwa Dowlada iyo kuwa Amisom.
Wiilasha dhintey waxaa la xaqiijiyey iney isku dayeen iney hor istaagaan kooxda weerarka soo qaadey nasiib daro markey usoo dhowaadeen ayay isqarxiyeen.
Waxaa iyana qaraxa ku dhawacmey dhowr kamid ah ilaalada masuuliyiinta Dowlada, waxaa kalaa goobta ku dhintey raga weerarka soo qaadey oo ilaa afar ahaa.
Sargaal ka tirsan Xafiiska Raysal wasare Gaas ayaa u Xaqiijiyey Puntlandi geerida mid kamid ah shaqaalaha xafiiska.
Waxaa hada si xooga loo adkeeyey amaanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud waxaana la sugayaa inuu shir jaraa’id.
Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com


