|

Faahfaahin ku saabsan wafdi ka socda Puntland oo gaaray gobolka Sanaag.

Weftigan oo hordhac u ah wufuud tiro badan oo kusoo waajahan guud ahaan gobolada Sanaag iyo Hayland ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Nuur.

Waftiga ayaa waxaa magaaladda Badhan ee gobolka Sanaag ku soo dhaweeyay  Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon , Duqa Degmada Badhan Cabdirisaaq  Axmed Ciise, Xildhibaano ka tirsan gollaha degaanka  degmada Badhan, taliyaha ciidanka Asluubta Gobolka Sanaag  Axmed Dhaaye Jibriil iyo Isuduwayaasha Wasaaraddaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Ganacsiga iyo Degaanka.

Ujeedada safarka wafdigaan ayaa waxay ku saleysan tahay Kormeer shaqo oo ay ku mari doonaan dhammaan degmooyinka, tuulooyinka iyo degaanada  goboladda Sanaag iyo Hayland ee dawladda Puntland iyo sidii looga hortegi lahaa farogalinta iyo xadgudubka  maamulka Somaliland uu ku hayo goboladaasi.

Masuuliyiintu waxay sheegeen inay dowladda Puntland ka go’an tahay kana midaysan yihiin illaalinta amniga iyo xasiloonida gobolada Sanaag iyo Hayland, isla markaana ay maamulka Soomaaliland ka aqbalaynin inay khal-khal geliyaan nabadgelyada, xasiloonida iyo deganaanshaha dhammaan gobolada dawladda Puntland ee xuduudda la leh maamulkaasi Soomaaliland.

Dhinaca kale, Gobolada Sanaag iyo Hayland ee dawladda Puntland waxaa maalinta beri ku wajahan Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka  Amniga Puntland Cabdulaahi yuusuf Dawlad, waxaana ka mid ah wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Xanaanada Xoolaha, Dastuurka iyo Dekeddaha, waxaa kaloo waftiga ka qayb ah Saraakiil ciidan, waxgarad iyo masuuliyiin kale.

You must be logged in to post a comment Login