|

Faahfaahin:-Qarax labaad oo ka dhacay hotelka Naasobahlood,khaasarah oo sii batay iyo Al-shabaab oo sheegtay.

Qarax labaad ayaa Daqiiqdo ka hor ka dhacay Hotelka naasohablood ee Magaaladda muqdisho oo ay weli gudihiisa ay ka socoto is rasaasayn u dhaxaysa qolyaha weerarka so qaaday iyo ilaalada hotelka.

ilaa iyo hadda inta la ogyahay 8 qof oo dadkii bananka hotelka marayay ayaa dhaawacmay inkastoo aana la hubin inta ay dhimashadu tahay haddana wararku waxay sheegayaan in khasaare dhimasho oo badan u jiro..

Ciidamadii Dowlada ee hotelka yimid ayaa gudaha u galin ilaa iyo hadda,waxaana wali socdda xabadda oo ka  dhacaysa gudaha Hotelka.

Ururka al-shabaab ayaa barahooda Bulshadda iyo Mareegyadooda u gaarka ah ku sheegtay Masuuliyadda Weerarkan.oo aan la xaqiijin karin inta dhimashadda iyo dhaawac u la egyahay.

LA SACO WARARKEENA DANBE

 

 

Comments are closed