|

Faalo : – Qaabka Beelaha Hawiye u qeybsadeen maamulka muqdishu iyo barkacayaasha Raxanweyn oo hal boos helay iyo Riwaayadii Maqaamka Caasimada oo Saqiiray

Madaxweynaha Dawlada Federalka Somaaliyeed mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan soo dhameystiray magacaabidii maamulka cusub ee uu yeelanyo Gobolka banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa meesha ka saaray gudoomiyhii gobolka Banaadir Yusuf Jimcaale iyo dhamaan gudoomiye ku xigeenadii maamulka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo oo xeerinaya xaalada dalka iyo dadka somaaliyeed weli ku sugan yihiin ee ah tii laga dhaxlay dagaaladii sokeeye,ayaa u hogaansamay kuna khasbanaaday inuu u aqoonsado in fadhiga ku meel gaarka ah Dawlada Federalka ah ee Somaaliya ee Muqdishu uu yahay goof marti loogu yahay Beesha Hawiye,isla markaana uu Madaxweynuhu si siman ugu qeybiyey maamulkeeda.

Madaxweynaha ayaa Beelaha USC maamulka Gobolka ugu qeybiyey sidan.

1. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed. Beesha Hawiye-Abgaal-Waceysle

2. Gudoomiye kuxigeenka siyaasada iyo amniga Saalax Sheekh Maxamed. Beesha Hawiye-Murursade

3. Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshada Cabdulaahi Xaaji Ereg. Beesha Hawiye-Habargidir-Sacad

4. Gudoomiye kuxigeenka Howlaha Guud Aadan Sheekh Cali Fiidow. Beesha Hawiye- Duduble

5. Guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada Maluuka dheere Cabdiqaadir Dheere. Beesha Banaadiriga.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay u aqoonsaday barkacayaasha faraha badan ee Beesha Mirifle ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee magaalada Muqdisho in ay ka mid yihiin dadka degaanka Xamar, una magacaabay Subeyda Maxamed Cabdulqaadir in ay noqto Xoghayaha gobolka Banaadir.

Xubnahan Madaxweyne Farmaajo magacaabay ayaa ka soo jeeda Beelaha Hawiye ee ku midoobay Maamul Goboleedada Hirshabeele iyo Galmudug,taas oo soo afjartay Riwaayadii dhalanteedka aheyd ee ololaha loogu jiray in magaalada muqdisho ay yeelato maqaam beleed iyo kuraas gaara ah oo laga siiyo labda aqal ee Barlamaanka iyo Aqalka sare ee Federaalka.

Waxaa wax lagu qoslo ah,isla markaana aan suurto gal aheyn in maadama Somaalidu wax ku qaybstay nidaamka beeleysan ee 4.5, isla markaana ay maamulada Beelaha Hirshabeele iyo Galmudug ay gacanta ku hayaan maamulka Ex-Caasimada Muqdisho, in ay haddana mar kale kuraas iyo Awood sadbursi ah ku raadiyaan, oo isticmalaan magaca caasimada Muqdisho.

QABRIGII MACAAWINADA, YAASE LAGA MASRUUFAA DEKEDA MUQDISHU.

Waxaa caado noqotay in kooxo gafanayaal ahi ay shacbiga magaalada muqdishu ku jahawreeriyaan dacaayado rakhiis oo lagu marinhabaabiyo maalin walba,laguna lugooyo waxaan jirin oo dhalanteed ah.

Dacaayadaha shacbiga Muqdisho loo akhriyo ayaa waxaa ka mid in dakhliga ka soo baxa Dekeda Muqdishu kaliya Dawlada Federalku ku shaqeyso, iyadoo tusaale loo soo qaato hal hayska ah ” Tayda lihi, Taadana kula lihi “ waxaa nasiib daro ah in aan shacbiga Muqdisho aan loo sheegin in Shirkada Turkeyga ah ee Albayrak ay qaadato boqolkiiba konton 50 % dakhliga Dekeda Muqdishu, kontonka soo hareyna laga masruufo maamulada aan dakhliga dhaqaale laheyn, iska markaana awooda ku leh maamulka gobolka banaadir ee Galmudug iyo Hirshabeele oo kaliya. Ha loogu dhaarto in Puntland iyo Jubbaland in aanay kheyr ka rajeyneyn inuu ka yimaado Xamar.

Waxa kaloo shacbiga aan loo sheegin in ay Muqdishu tahay, horeyna u aheyd ” Qabrigii Mucaawimada ” dhamaan waxii gargaar ah ee caalamku ugu deeqay ummada Somaaliyeed tobankii sano ee ugu danbeeyey ee uu ku jiro mashruucii balayiinta doolar ah new deal ka somaaliya, sidoo kale kabida miisaaniyada bil walba ee malaayinta Dollarah ee ay bixiyaan dawlada Turkey iyo dawladaha Carbeed waxaa lagu ruugaa waa magaalada Muqdishu, hal mashruuc iyo hal shilin midna lagma siin maamulada dulman,isla markaana khuurada dheer ku jira ee Puntland iyo Jubbaland.Haweenay Somaaliyeed baad intay la yaabtay wejiyo badnaanta wiilkeeda tiri ” Hooyo Micheal diina badanidaa, waxaa taas la mid ah hogaamiyaasha dhaqanka iyo kuwa siyaasada ee Muqdishu oo iyagoo waxii dalka iyo dadka somaaliyeed lahaa oo dhan DIG ka siiyey,isla markaana manafacaadkii iyo awoodii dalka xoog ku haysta, hadna waa iyaga kuwa baahan, dulman,isla markaana dhaarta iyo colaada la taagan maalin walba.

Waxaa lagama maarmaan ah in xaqiiqada la waajaho,lana garowsado in aan dawladinmo somaaliyeed sidan iyo xaaladan mar kale lagu yagleeli karin.

Waxaa kale oo aan suurtoobi karin in goof ama degaan ay beel kaliya rumeysantahay in ay xoreystay, ay marti galiso oo ay fadhi u noqto dhamaan hayada dawalada Federaalka Somaaliyeed oo dhan.

Waxaan sidoo kale waxaan aan maangal aheyn in deeqaha caalamiga ah iyo mashaaricda gargaarka dibu dhiska dalka gacanta loo galiyo, oo cadaalad laga fisho maamulka dhexe ee magaalada Muqdisho, oo weli ku shaqeynaya maskaxdii dagaaladii sokeeye.

Gabagabadii waxaa shacbiga iyo maamulka Puntland la gudboon in ay fadhiga ka kacaan, oo albaab walba u garacaan, in aanay beesha caalamku waxii gargaar iyo mashaariicda dibu dhiska ciidanka,amaanka,hurumarinta nolosha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha aanay u soo marin dawlada Muqdisho, waa lagma marmaan ah in ay Puntland yeelato nidaam siyassadeed oo ah “special status”, oo ay beesha caalamka kula xiriirto inta laga helayo dawlad soomaliyeed oo ku timaaada dibu heshiisin buuxda iyo Cadaalad

Comments are closed