|

Fadeexad iyo Masawirka Caawa : – Shan nin oo is uruursadsay oo Beesha Hawiye ah oo kaligood ka qeyb galay shirka UN-ta ee New York


Yusuf Garaad,C/raxmaan Caynte iyo Cawaale Cali Kulane

Shirweynihii golaha guud ee Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa ayaa ka furmay xarunta ururka ee magaalada New York ee cariga Mareykanka.

Nasiib daro shirkaas oo Dawlada Somaaliyeed looga xayuubiyey xuquuqdii codka ee ay golaha ku laheyd, ka dib markii ay mudo dheer bixin weyday qaaraankii xubinimada golaha.

Waxaase fadeexad iyo ayaan daro ku ah dawladnimad somaaliyeed in shirkaasi magaca ummada somaaliyeed ku matalaan koox is uruurstay oo ka kooban hal beel oo ah beesha Hawiye, iyadoo laga dhuuntay, lagana xan qarsaday masuuliyiintii kale ee somaaliyeed ee talada dalka wax ku laheyd.

Wagdiga dawlada ee isu habar wacday ayaa ka koobnaa :

1. Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ( Hawiye – Mururdade )

2. Wasiirka Arimaha Dibada Yusuf Garaad ( Hawiye – Habargdir- Ceyr)

3. Safiirka Somalida ee Sweden Cawaale Cali Kulane ( Hawiye – Habargidir-Sacad)

4.Safiirka Ingriiska Cabdiraxmaan Caynte ( Hawiye – Murursade )

5. Safiir Abuukar Baale ( Hawiye -Abgaal ).

Fiiro Gaar : sida ka muuqta Wefdiga waxaa ka maqan oo banaanka loo tuuray Safiirka Somalida u fadhiya Mareykanka oo ah halka shirku ka dhacaayo Axmed Ciise Cawad

Waxaad ceebta u taqaanid ragg-bey cadadood tahay

Ma aha markii ugu horeysay ee koox is uruurstay oo ka soo jeeda Beesha Hawiye ay kaligood u dhuuntaan shirarka caalamiga ah.

3 june sannadkii 2013 ayey aheyd markii Madaxweynihii hore ee Somaaliya Mudane Xasan Sheekh uu wefdi beeshiisa kaliya ka kooban uu u kaxeystay dalka Japan oo waxooga deeq gargaar ah ugu yaboohay ummada Somaaliyeed .

Wefdigii wagaas uu horkacaayey Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka koobnaa isaguna xubnahan :

Madaxweyne Xasan Sheekh

1 – Xuseen Iidoow – Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada, Murursade, Hawiye

2-Ibraahim Baana – Protocol of the Presient, Abgaal, Hawiye

3-Eng. Yariisoow –  Information, Abgaal, Hawiye

4-Xaayoow Gacal – Wasiirul Dowlaha arrimaha dibedda, Murursade, Hawiye, waxaa la doonayay inuu Dubai kasoo safro lakiin wuu xanuun sadey saas buu uga baaqdey,

5-Kamaal Gutaale – Chief of Protocol, Habar gidir, Hawiye

6-Sheekh Ciise – Abgaal, Hawiye

7-Abudalahi Afrah – Abagaal, Hawiye

Ugu danbeyntii waxaanu rajeynaynaa in talaabloyinka is indho-buuxinta iyo awood marooqsiga ah ee
Beeshu ku socoto ay caafimaad u horseedo, isla markaana ay ka dawoobaan gocoshada faraha badan iyo cadaawada gaamurtay ee ay u qabaan Beesha Daarood

Comments are closed