|

Fanaanada Maryan Mursal oo Garowe soo gaartay, kana hadashay socdaalkeeda.

Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Maryan Mursal Ciise Bootaan ayaa maanta soo gaartay magaalo madaxda Puntland ee Garowe. Maryan Mursal ayaa safar lug ah kaga timid magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo ay waayahaan dambe ay ku sugnayd.

Fanaanada oo¬†hotelka ay degan yahay kula hadashay saxaafada gudaha, ayaa waxay sheegtay socdaalkeeda inuu salka ku hayo sidii ay u rumayn lahayd hees wadani ah oo ay degaanada Puntland ku ammaanayso, heestaas oo la yiraahdo, “Soomaali udiida ceeb”.

“Runtii waxaan go’aansaday inaan cagtayda saaro meelihii aan heestayda Soomaali udiida ceeb ku sheegay, maxaa yeelay muddo badan ayaa ku riyoon jiray inaan dhulkaan nabada soo booqdo (Puntland), anigoo heeso badan oo aan ku ammaanayo kasoo tiriyay qurbaha.

Waxay sheegtay Fanaanadu inay tagi doonto meel kasta oo ay heestaas ka hadlayso, sida Bosaso oo safarkeedii uu kasoo bilowday iyo Biyo kulule oo ay sheegtay inay kusoo dalxiistay islamarkaana ay kusoo dabaalatay biyaha dabiiciga ee caafimaadka uroon.

Waxay kaloo sheegtay inay tagidoonto magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug islamarkaana ay booqandoono Yameyska oo ah meelaha heesteeda lagu xusay iyo goobo kale.

Fanaanada Maryan waxay sheegtay inay muddo 50 sano ah ka hor ah ugu dambeysay degaanada Puntland islamarkaana safarkeeda haatan uu ku saabsan yahay wacyi galin iyo inay bulshada ku baraarujiso wadaniyada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Waxay aad u ammaantay dhulka hooyo, iyadoo sheegtay inay dhibaato badan kala kulantay qurbaha iyo nolashiisa. Waxay intaas ku dartay inaanu jirin meel Soomaaliya oo nabad ah u dhiganta caalamka.

Puntlandi.com

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login