|

Faysal Cali Dhurwaa Oo Gudoomiha xisbiga Wadani Cirro Ku Tilmaamay Budhiste

Eng. Faysal Cali Dhurwaa oo ah guddoomiyaha xisbiga Ucid ee Somaliland, ayaa wuxuu sheegay in astaanka xisbiga waddani ay u eeg tahay dharka ay xidhaan dadka bilaa diinta ah ee Buddhismka isla markaana wuxuu musharaxa xisbigaasi ee Cabdiraxmaan Cirro ku sheegay mid u muuqaal eeg wadaadka hoggaamiya dadka Buddhismka aaminsan.

Hadalka Faysal Cali Waraabe waxa dhibsaday oo si adag uga jawaabay wasiiru-dawlaha wasaarada caddaalada Somaliland Khadar Axmed Diiriye, isagoona sheegay in ay dambi tahay in dad muslimiin ah lagu sheego inay yihiin dadka bilaa diinta ah ee Buddhismka.

Comments are closed