|

Faysal Cali

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Finland ayaa ka hadlay arrinta nin dhallinayaro ah oo ka tegay Finland oo uu ku biiray xoogagga Islaamiyiinta ee Daacish ee ka dagaalama Iraq & Syria sanadkii 2014-ka.

Bartamihii Bishii Agoosto sanadkii 2014-ka, ayaa Ninka dhallinyarada ah waxaa laga daawaday cajal video ah oo la galiyey internetka, waxaana magaciisa lagu sheegay Abu-shucayb Al-Somal, hase ahaatee magaaciisa dhabta ah waxaa la yiraa Sayid-xuseen Faysal oo waxaa dhalay Faysal Cali Waraabe, oo waqtigaa BBC-ga u sheegay” Wiilku waa wiilayga”.

Muuqaalkan waa Wiilka Faysal Cali Waraabe oo aad ugu faraxsan inuu ka mid noqday Argagixisada, wuxuu u aaday Iraq & Syria inuu dhiig diidiyo.

Waraysiga uu BBC-da siiyay Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa ka muuqanaya inuusan ka war hayn Carruurtii uu dhalay, taas oo ah Mas’uuliyad daro aad u wayn.

 

Comments are closed