|

Galmudug oo xukun ku riday kalluumaysato Yemeniin ah.

Maxkamad kutaala Galmudug ayaa xukun min labo sanno ah ku ridey iyo ganaax lacageed oo labo kun doollar gaaraya saddex nin oo u dhashay dalka Yemen, kuwaaso xeebaha Galmudug lugu qabtay 2 bishii October iyagoo sharci darro uga kalluumaysanaya.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukun lacageed oo gaaraya konton kun oo doollar ku ridey doonidii ay adeegsanayeen raggan oo magaceeda lugu sheegay Al Ikhlaas 1, kaaliyaha Maxkamadda sare ee Galmudug, Dr Maxamed Jaamac Diirshe oo xukunka ku dhawaaqay wuxuu sheegay raggan inay qirteen dambiyada lagusoo eedeyay.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login