|

Garowe:- Baroordiiq loo sameeyay shacabkii Muqdisho lagu xasuuqay.

Dhalinyarada magaalada Garoowe ayaa maanta qabtay barnaamij Baroordiiq oo loo sameynayey dadkii lagu dilay weerarkii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen dad fku dhow 300 qof.

Dhalinyaradaan ayaa si dareen leh uga hadlay dhibaatadii ka dhacday muqdisho iyagoona u duceeyey dadka dhintay iyo kuwii ku dhaawacmaya

Dhalinyarada ayaa codsaday in arintii ka dhacday muqdisho lagu sameeyo baarintaan dadka ka danbeyana sharciga la horkeeno.

Puntlandi.com

 

Comments are closed