abaaraha
|

Garowe oo la isu diyaarinayo Soo dhawetnta Halyeeyada Garowe basketball TEAM

GAROWE TEAM
Kooxda Kubada koleyga ee Garowe City waxay cashar lama ilaawaana usoo dhigeen kooxha Magaallooyinka bariga Afrika marka laga reebo kooxda Reer Masar ee Cairo City Team oo ay finaalku isku haleeleen.

Garowe Basketball Team lama oran karo koobkii way kuguul dareysteen iney soo qaadaan lakiin xaqiiqda Garowe City Team waxay Soomaaliweyn usoo hoyiyeen magac iyo Sharaf, waa kooxdii u horeysey oo Soomaaliyeed oo mudo 30 sano ah gaarta heerkaas. waa taariikh iyo bilow wanaagsan, Garowe City Waxaa maanta laga qadariyaa suuqa Ciyaarata Basketball ee caalamka oo idil, waana kooxda labaad ee Kooxaha Magaalooyinka Afrika.

maalmaha soo socda ayay kooxdu gaari doonaan Puntland iyagoo wata guul iyo iney noqdeen kooxda labaad ee ugu wanaagsan Magaalooyinka Bariga Afrika.

Garowe waxaa hada ka socda qaban qasbo qaran oo loo sameynayo kooxda marka ay Garowe yimaadaa.

Puntlandi.com
Garowe

Comments are closed

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n