|

General Gabre oo u Tahniyadeeyey Shacbiga Ethiopia qabashda Qalbi-dhagax, una mahadnaqay madaxda Somaalida

Lataliyaha xagga Siyaaysada ee Xoghayha guud ee ururka IGAD General Gabre ayaa si rasmi ah ugu hambalyey shacbiga iyo dawlada Ethiopia iyo midka Somaalida Ethiopia soo qabashada Cabdihakin Sheekh Muse ( Qalbi-dhagax ) oo ku tilmaamay inuu ahaa Argaxiso.

General Gabre ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay baraha Bulshada mu sheegay inuu mudo hal bil ka badan uu ku mashquulsanaa sidii Dawlada Ethiopia loogu soo gacan gelin lahaa masuulkaa sare ee ka tirsan ururka ONLF.

Gen Gabre ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyey madaxadii iyo shakhsiyaadkii ka shaqeeyey soo gacan gelinta Qalbi-dhagax oo ka magacaabay Madaxweynaha Dawlada Federalaka Somalia mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, Agaasimaha guud ee hayada nabdsugida somaaliyeed ee NISA mudane Sambalooshe iyo Xildhibaan Mustafe Dhuxulow.

General Gabre ayaa si gaara u mahadnaqay madaxweynaha maamul gobokeedka Somaaliyeed ee Jubbaland mudane Axmed Madooveoo uu ku tilmaamay Saaxiibkiis, isla markaana uu ku xusay in uu si weyn ugu lug lahaa hawlihii soo dhiibidii mudane Qalbi-dhagax.

General Gabre ayaa qoraalkiisa hanjabad ugu diray xubnaha ONLF,isagoo ugu goodiyey in ay si nabad ah isku soo dhibaan, haddii kale aanay Somalia u noqon doonin meel ay Ethiopia uga dhuuman karaan

Halkan ka akhris qoraalka General Gabre

Comments are closed