|

Gollaha ammaanka oo kordhiyay cunoqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya iyo sidoo kale oggolaanshiyo looga hortagayo soo dejinta hubka sharci-darrada ah iyo dhoofinta lagu hayo dhuxusha.

Waqtiga loo kordhiyay cunabateyntaan ayaa wuxuu ku eg yahay illaa laga gaarayo 15 November 2018, taasoo ah muddo hal sano ah. Sidoo kale waxaa la cusboonaysiiyay oo la kordhiyay cunaqabateynta hubka ee la saaray dalka Eritrea, si lamid ah Soomaaliya.

Balse, Gollaha ammaanka ayaa sheegay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya inaanu wax saameyn ku yeelandoonin qalabka milatari oo loogu talagalay ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo caawinta qalabka milatari iyadoo loo maray sida sharciga ah.

Qarraarkaan ayaa goluhu sheegay inuu yahay mid looga jawaabayo sidii loo la xakameyn lahaa hubka ka baxsan gacmaha Dawladda iyo la-hawlgalayaasheeda.

Gollaha ammaanka ayaa mar kale ku booriyay ciidanka Amisom iyo ciidanka dowladda federalka inay kor uqaadaan wada s

Gollaha ammaanka ayaa sidoo kale ku baaqay in daba gal lagu sameeyo soo dhoofinta loosoo dhoofinayo Soomaaliya kiimikooyinka loo isticmaali karo qalabka qarxa ee la macmalay. (improvised explosive devices.)

Abdiweli Mohamed Sheikh

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login