|

Gollaha Ammaanka oo waqtiga u kordhiyay kooxda Monitoring Group.

Gollaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa waqtiga u kordhiyay Kooxda kormeerka Soomaaliyaa iyo Eritrea ee loo yaqaano kooxda Monitoring Group.

Kooxdaan oo ka kooban siddeed khabiir oo salhigoodu yahay Kenya, ayaa waajibaadkooda shaqo waxaa loo kordhiyay illaa laga gaarayo 15 December 2017.

Monitoring Group ayaa shaqadoodu waxay tahay, inay kormeer iyo baaritaan ku sameeyaan fulinta tallaabooyinka lagu soo rogay Soomaaliya iyo Eritrea, kuwaas oo kala ah, xayiraadda hubka, mamnuucista safarka, xaddidaadda hantida, iyo mamnuuca dhuxusha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kamid ah shaqadooda, Qiimaynta tallaabooyinka ay qaadeen madaxda Soomaalida, iyo sidoo kale Dawladaha Xubnaha ka ah, gaar ahaan, kuwa gobolka, inay si buuxda u hirgeliyaan nidaamka xayiraadda hubka.

Monitoring Group, ayaa labadii bishaan November waxay soo saaraan warbixin dheer oo ka kooban 161 bog, taasoo ay kaga hadlayaan xaalada Soomaaliya.

Puntlandi.com

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login