|

Goormaa La Dhamaystirayaa Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garowe?

Dawlada Puntland ayaa lacag dhan $2,500,000(Laba Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun)  ugu deeqday dhamaystirka garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Waxaa dawladu ay sheegtay in dhismaha garoonka uu marayo 80%, isla markaana inta dhiman lagu soo afmeeri doono saddexda bilood ee soo socota.

Dhinaca kale, waxaa dawladu ay sheegtay inay dayactir joogto ah ku wado garoonka Conoco ee Garowe, kaasi oo hadda shaqeeya.

” Waxaa meel gabo-gabo ah maraya dhismaha garoonka Caasimda Garoowe ee caalimiga ah, anagoo rajaynayna, haddii alle idmo, in uu ku dhamaado 3da bilood ee soo socota, waxaana hadda dhisan 80% Runway-ga diyaaraduhu ku ordaan. Waxaana gabogabo ku dhaw dhismaha xarunta kaydka shidaalka ee Garoonka Garoowe, iyadoo Dawladdu heshiis la gashay Engineero Caalami ah si ay u hubiyaan in dhismaha garoonku waafaqsanyahay heerka caalamiga ah ee shahaadooyinka garoomada lagu bixiyo, waxayna dawladdu dayactir joogta ah ku haysaa Garoonka Conoco oo ah kan hadda inoo shaqeeya” Sidaa waxaa yiri Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay inay ka go’an tahay dhamaystirka Kaabayaasha dhaqaalaha ee dhismahoodu uu socdo.

Si kastaba ha ahate, dhismaha Garoonka Garowe iyo dhismaha Wadada Isku xirta Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa dawladu ay maanta ugu deeqday lacag dhan Saddex Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun.

www.putlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login