|

Goormuu Madaxweyne Farmaajo Imanayaa Puntland?

Inkasta oo aad loo hadal hayay maalmihii tagay safar uu Madaxweyne Farmaajo ku imanayo Puntland, hadana Warsidaha Puntlandi, ayaa ogaaday inay socoto qabanqaabada ugu dambaysa ee safarka Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Puntland iman doona dhamaadka bishan todobaad.

Marka uu yimaado Puntland, wuxuu kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada sida uu qorshu yahay, waana safarkii ugu horeeyay ee uu Puntland ku imanayo.

Gobolada Puntland ayaa todobaadyadii tagay aad looga hadal yahay safarka Farmaajo uu ku iman doono Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa safaro ku tagay qaar ka mid ah xarumaha maamul goboleedada, waxaana la filayaa in sido kale uu booqdo maamulada kale ee dalka.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login