|

Guddigii dowladda Puntland u magacowday arrintii Af-urur oo gaaray Galgala.

Guddi wasiirro oo dhawaan loo magacaabay dhibaatadii ka dhacay Af-urur ayaa gaaray tuulada Galgala ee gobolka Bari, halkaas oo ay kula kulmeen ciidamada difaaca Puntland ee aagaas saldhigyada kuleh.

Waxaa wasiiradddaan ku wehliya socdaalkooda taliyaha ciidanka difaaca Puntland Gen, Saciid Dheere iyo saraakiil ciidan oo kale, waxayna halkaas ka cadeeyeen inay dowladda Puntland bilowday sifaynta burcad diimeedka Alshabab iyo Daacish.

Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa balanqaaday inay dowladda Puntland bixindoota jawaabta shacabku ka sugayaan ee ah ka jawaabida ficilada foosha xun ee argigixisada, isagoo hoosta ka xariiqay inaysan Puntland u dhutinayn jab yar oo kasoo gaaray koxoaha argigixisada.

Qarjab ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyaan ciribtirka argigixisada, isagoo xasuusiyay inaysan argigixisadu isugu mid yihiin dowlad iyo shacabba.

Puntlandi.com

 

 

 

Comments are closed