|

Guddomiyaha gobolka Sanaag Ciyoon,” Beesha caalamku taageeradii ay ku bixisay doorashada maamulka Hargeysa waxay xasilooni darro ka abuurtay dhul nabad ah.

Warsaxafadeed nagasoo gaaray guddoomiye Ciyoon.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Hon. Maxamuud Ciyoon ayaa war saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa kana hadlay damaca hungoobay ee Soomaaliland.

” Iminka oo xilligu yahay xilli duhur ah , waxaan war saxaafadeedka si hordhac ah u iftiimiya halka uu marayo damacii gurracnaa ee Maamulka Somaliland ku rabey inuu sanaadiiq ku keeno meelo ka mid ah Puntland.

Xidhiidhka ay nala wadaageen bulshada degmada Ceergaabo qaarkood oo weliba meelo kala duwan jooga waxay noo sheegeen inaan dadka usoo baxay iney ku codeeyaan sanaadiiqda tiknikada saaran ay aad u yar tahay , taasoo aan ku bogaadinayno iney aqbaleen baaqii ahaa iney habeenimada adeegtaan oo aan guryahooda kasoo bixin , waxan leeyahay sharaf baa mudan tihiin iyo bogaadin.

Sidoo kale magaalooyinka Xingalool iyo Hadaaftimo oo maamulka Somaliland damaceen iney si qarsoodi ah xalay ku keenaan sanduuqyo waxa ka dhacaya iminka dibad bax ballaadhan oo lagu cambaaraynayo sanaadiiqda tiknikada lagu sido , taasoo keentay iney dib ugula cararaan baaruutii tikinikada ahayd , isla Xingalool waxa ku sugan wefti ka kooban Wasiiro, agaasimeyaal madaxtooyada ah iyo Taliyihii Qaybta Booliska Sanaag kuwaas oo bulshada la wadaagaya sida ay ugu faraxsan yihiin abaabulka iyo wacyiga bulshada reer Xingalool ee xalaasha ah.

Ugu danbayntii waxan beesha caalamka u sheegayaa in taageeradii dhaqaale ee doorashada Somaliland aad ku bixiseen ay ka dhalatay in sanduuqyo tikniko saaran la geeyo degaano nabad ah oo reer Puntland ah, haddii aad ogtihiina waa ogtihiin waana idinku canbaaraynaynaa, haddii aydinaan ogeyna sidaa u ogaada in nabad gelyo xumo lagu abuuray dimuqraadiyad wax la yidhaahdana aaney jirin, wixii soo kordha waxan idin kula wadaagayaa xiliyada ka hadhsan maalinta , waad mahadsan tihii “.

You must be logged in to post a comment Login