abaaraha
|

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Muxuu Ka Yiri Heshiiska Lagu Balaarinayo Dekeda Boosaaso?

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada Puntland Iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Axmed Cali Xaashi ayaa ka yimi dalka Isutaga Imaaraatka Carabta oo uu ku sugnaa maalmihii tagay, waxaana uu qayb ka ahaa Wafdiga Puntland ee qaybta ka ahaa heshiiska lagu balaarinayo Dekeda Boosaaso.

Garoonka ayaa waxaa guddoomiyaha iyo Wafdiga uu hogaaminayay waxaa kuso dhoweeyay maamulka degmada Boosaaso, maamuylka gobolka Bari iyo Mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo si kooban ula hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay in heshiisku uu muhiimad baalaran u xambaarsan yahay Puntland, isla markaana uu wax badan kuso kordhin doono gobolada Puntland.

Axmed Cali Xaashi ayaa si wayn uso dhoweeyay heshiiska Imaaraatka Carabta ka dhacay, wuxuu sheegay in dhismaha Dekeda Boosaaso dhowaan la bilaabi doono.

Ski kastaba ha ahate, Dawlada Puntland ayaa ku hawlan sidii loo hormarin lahaa Kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login