|

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Xilka Laga Qaaday

Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeele, ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deqow, wuxuuna guddoomiye u magacaabay Cali Jayte Cismaan oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta sida wayn ugu dhowaa Madaxweynaha.

Wareegada xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, ayaa lagu sheegay in xil ka qaadistiisa ay timi ka dib markii uu Madaxweynuhu tixgaliyay talo soo jeedinta Odayaasha dhaqanka.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare, ayaa dhowaan xilka loo doortay, walina lama caleemo saarin.

Si kastaba ha ahate, Maxamed Cabdi Waare, ayaa la filayaa in la caleemo saaro, isla markaana uu dhiso Golihiisa Xukuumadda.

www.puntlandi.com.

Comments are closed