abaaraha
|

Guddoomiyaha Gobolka Mudug:” Wax Dhib Iyo Xasilooni La’aan Ah Kama Jiraan Gobolka”

Guddoomiyaha gobolka Mudug Xassan Khaliif Maxamed, ayaa sheegay in gobolka Mudug uu yahay Nabad, isla markaana aysan jirin Xasilooni daro ka jirta gobolka, xilli Warbaahinta qaar ay baahiyeen inay jirto xiisad colaad.

”Wax dhib ah iyo xasilooni la’aan ah oo gobolka ka jira ma jirto, mana jirto garoon la isku haysto, dad hadlay oo shaqi ah waa jiraan, waana dad shacab ah oo qof iyo labo ah, laakiin ma jirto wax dhibaato guud ah oo bulshada ka dhexeeya” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan Nabada iyo hormarka gobolka, wuxuu ka hadlay dhismaha garoonka Gaalkacyo oo uu sheegay in dhismihiisa ay dan ugu jirto guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

”Colaadi ma jirto, wadanku waa Nabad, wax xabad ah oo jira ma jiraan, waxaan ku balanay labada dhinac innaan Nabada si wada jir ah uga shaqayno, garoonka haddii la dhiso waxaa loo dhisay Soomaali oo dhan, haddii aan dhisina waxaa loo ogol yahay inay Soomaali oo dhan ay Isticmaasho” Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug oo hadalkiisa sii wata.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi Weli Cali Gaas oo dhowaan gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Gaalkacyo ay aaday dhinaca Nabada, kuna baaqay in Nabada iyo hormarka magaalada laga shaqeeyo.

www.puntlandi.com.

 

You must be logged in to post a comment Login