|

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari oo lagu dilay Bosaso

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari, khalar Ismaaciil Cabdulle ayaa maanta lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dabley hubaysan ayaa guddoomiye ku xigeenka ku dishay bartamaha magaalada Bosaso, gaar ahaan halka loo yaqaano afar irdood, waxayna kadib isaga baxsadeen goobta.

Illaa iyo hadda lama garanayo sababta loo dilay, waxaana socda baaritaano ciidamadu wadaan.

Marxuumka ayaa guddoomiye ku xigeen gobolka Bari kasoo noqday xilligii xukuumadii Cabdiraxmaan Faroole, isagoo ku xigeen u ahaa Cabdisamad Gallan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

PUNTLANDI.COM 

 

 

 

 

Comments are closed