|

Guddoomiyihii degmada Godob-jiraan oo kalsoonidii lagala noqday.

Xildhibaanada gollaha degaanka degmada Godob-jiraan, ayaa goor dhowayd kalasoonidii kala noqday guddoomiyihi degmada Godob jiraan, Yuusuf Maxmaed Faarax, sidaasi waxaa Puntlandi u xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka degmada, Axmed Maxamed Cabdi.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in falfadhi ay yeesheen gollaha degaanka xilkii looga qaaday guddoomiyaha oo ay eedeeyeen inuu kasoo bixi waayay waajibaadkii loo igmaday iyo qabsoomid la’aanta kalfadhigii golaha degaanka oo dib u dhacay.

13 xildhibaan ayaa ka qeyb galay fadhiga lagu diray guddoomiye Yuusuf Yuusuf.

Xildhibaanada Godob jiraan ee riday guddoomiyaha

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Magacyada iyo saxiixyada xildhibaanada.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa dhowaan soo saartay qoraal ay ku farayso maamulka degmada in 15 cishe gudaheed lagu qabto kalfadhiga, waxaana guddoomiye ku xigeenku sheegay in waqti la qabtay uu ku ekaa maalintii shalay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Puntlandi.com

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login