|

Guddoonka cusub ee waxbarashada gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo oo xilalkoodii la wareegay.

Gaalkacyo (Puntlandi.com) Guddoomiyayaahsa cusub ee waxbarashada gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa maanta oo ahayd khamiis la wareegay xilalkoodii, kadib munaasabad balaaran ka dhacday dugsiga sare  Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaasha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi iyo Gudoomiyaha Degmada Waxbarashada Gaalkacyo Cali Cabdisahal Xaaji Xirsi, ayaa munaasabadooda xil wareejinta waxaa kasoo qeyb galay, wasiirka deegaanka Puntland, maamulka gobolka, kan degmada, aqoonyahano, madax dhaqameed, macalimiin iyo maamulaayasha iskuulaadka.
Masuuliyiintu waxay xilalka kala wareegeen kusime-yaal si kumeel gaar ah u hayay tan iyo markii dhowaaan xilkii laga qaaday guddoomiyihii waxbarashada gobolka Mudug, Bashiir Axmed Qalaf iyo guddoomiyihii waxbarashada degmada Gaalkacyo, Maxamed Faarax Cabdi (Garweyne), kadib markii ay timid baahi loo qabo tayeynta waxbarashada gobolka Mudug.
Puntlandi.com

Comments are closed