Gudoomiyaha Gobolka Mudug & Duqa Degmada Gaalkacyo oo soo kormeeray dhismaha ka socda wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Beyra (Sawiro)
Gaalkacyo (Pi):- Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac iyo Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax ayaa maanta kormeer waxay ku soo mareen wadada dheer ee xiriirisa Gaalkacyo iyo Beyra, wadadaasi oo uu ka socdo dhisme.
Xubnaha wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf, waxaana wafdiga ka mid ahaa Saraakiisha dhinaca amniga ee gobolka Mudug.
Socdaalka mas’uuliyiinta ayaa ahaa u kuuragalida hawlaha lagu dayactirayo wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Beyra, wadadaasi oo lagu dhisayo hab iskaa wax u qabso ah oo ay dadka deegaanku fulinayaan.
Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax ayaa dadka reer Beyra uga mahad celiyay sida ay u soo dhoweeyeen xubnaha wafdiga uu ka mid ahaa, wuxuuna sheegay in reer Beyra ay amaan buuxda ku leeyihiin hawsha ay qabsadeen ee ay wadada ku dhisanayaan si iskaa wax u qabso ah.
“Waxaan soo marnay wadada u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Beyra, hawl fiican baa ka socota, oo dadweynuhu waxay isu xilqaameen wax qabsi, Beyra waxay mudan tahay ku dayasho, waxa nasoo xasuusiyeen shacabka reer Beyra hawlihii iskaa wax uqabsada ahaa ee dawladii kacaanka” ayuu yiri Duqa Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax.
Duqa Degmada Gaalkacyo wuxuu sheegay in Beyra ay hoostagto Gaalkacyo sidaasi darteedna ay ka qeyb qaadan doonaan barnaamijyada horumarinta deegaanka Beyra.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa wuxuu ka waramay ujeedada safarkooda deegaanka Beyra, wuxuuna sheegay in ay Beyra u tageen soo kormeerida mashaariicda ka socda deegaankaasi oo ay ka mid yihiin wadada loo dhisayo deegaankaasi, taasi oo isku xirta Gaalkacyo iyo Beyra.
“Safarkayaga ujeedadiisu waxay ahayd in aan soo kormeerno deegaanka Beyra oo ah deegaan taariikh leh, waxaan u nimid inaanu soo ogaano oo soo kormeerno mashaariicda horumarineed ee ka socda halkan oo ah wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Beyra oo la isku xil qaamay dhismaheeduna soconayo iyo goobta aan hadda taaganahay oo ah Saldhiga Booliska Beyra, saldhigan ma aha saldhig Boolis oo kaliya, laakin waa saldhig Boolis, waana Saldhig Daraawiish, shaqada uu qabtaa waa shaqo Boolis iyo shaqo Daraawiish oo ah dhulka difaaciisa iyo xuduuda ilaalinteeda” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug.
Mudane Tigey wuxuu kaloo sheegay in ay soo mareen mashruuca waxbarashada hoose/dhexe iyo kuleejka Beyra iyo biyo gelinta magaalada ka socota, wuxuuna Gudoomiye Tigey sheegay in dadaalka ka socda deegaanka Beyra in uu halkudheg uga dhigayo “Kudayo Beyra Kudayo”.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac wuxuu u mahad celiyay shacabka deegaanka Beyra, wuxuuna ku amaaney in ay qabteen wax ku dayasho mudan isla markaana Maamulkiisu ku taageeri doono, isagoona baaq u diray qurbajoogta dalka dibaddiisa ku dhaqan oo uu Gudoomiyuhu ugu baaqay in ay gacan ka geystaan horumarka ka socda deegaanka Beyra.



Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax

Saldhiga Booliska Deegaanka Bursaalax








