Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo hoggaaminayay ciidamo Boolis ah oo soo xaqiijiyay amaanka xuduudaha gobolka Mudug (Sawiro).
Gaalkacyo (Pi):- Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa isagoo horkacaya ciidamo Boolis ah oo wata gaadiidka gaashaaman waxaa uu gaaray deegaano ka tirsan gobolka Mudug kuwaasi oo xiga dhinaca xuduuda gobolka Mudug uu la wadaago dalka Itoobiya.
Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ka koobnaa Saraakiisha iyo ciidamada Booliska waxay tageen degmooyinka Galdogob iyo Beesha Bursaalax ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay ka soo sameeyeen hawlgallo lagu xaqiijinayo amaanka deegaanadaasi.
Mudane Tigey ayaa sheegay in ciidamada Booliska Puntland ee uu hoggaaminayay ee gaaray deegaanka Bursaalax ay gacanta ku soo dhigeen kooxo argagaxiso ah, kooxo burcadbadeed ah iyo maandooriyaha khamriga iyo dadkii isticmaalayay intaba.
“Hawlgal baaxad leh ayaan Bursaalax ka sameynay, waxaan soo qabanay kooxo burcadbadeed ah, kooxo argagaxiso ah iyo maandooriyaha khamriga oo aad u farabadan, waxaa kaloo ciidamadu soo qabteen shan nin oo ahaa burcaddii dhacday raashin WFP ay ugu talo gashay in ay ku quudiso 816 qoys, waxaana dambiilayaashaasi soo qabtay Booliska” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug.
Mudane Tigey, wuxuu mahad celin iyo boggaadin u jeediyay ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee hawlgalkaasi ku guuleystay, wuxuuna sidoo kale u mahad celiyay Gudoomiyuhu shacabka Beesha Bursaalax oo uu ku amaanay siday xogta u siiyeen ciidamada Booliska.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac wuxuu sheegay in ay dambiilayaasha laga soo qabtay Bursaalax horkeeni doonaan sharciga laguna qaadi doono dambigii ay galeen, isagoona sheegay Gudoomiyuhu in ay sii socon doonaan hawlgalada lagu xaqiijinayo amaanka iyo xasiloonida gobolka Mudug.



khamradii ciidanku ka soo qabtay Bursaalax

Gudoomiye Tigey oo kor uhaya mid ka mid ah dhalooyinka la so qabtay



Gudoomiye Tigey oo dhex jooga bakhaarada macaawinada Bursaalax


Dambiilayaasha ciidamadu ka soo qabteen Beesha Bursaalax

Khamrada Bursaalax laga soo qabtay


