Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo xariga ka jaray ceelbiyood ay Hay’adda TADAMUN ka hirgelisay deegaanka Buubi ee gobolka Mudug (Sawiro).
Gaalkacyo (Pi):- Wafdi balaaran oo isugu jiray Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Hay’adda wadaniga ah ee TADAMUN iyo Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa gaaray deegaanka Buubi ee gobolka Mudug si xariga looga soo jaro ceel biyood deegaankaasi laga qoday.
Hay’adda wadaniga ah ee TADAMUN ayaa ceelbiyood ka qoday deegaanka Buubi, ceelkaasi ayaa waxaa maalgeliyay bangiga horumarinta Islaamka, waxaana ceelkaasi uu noqonayaa kii labaad ee loo qodo dadka deegaanka Buubi.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa xariga ka jaray ceelbiyoodka loo qoday dadka deegaanka Buubi, wuxuuna Gudoomiyuhu la dardaarmay dadka deegaanka oo uu ka codsaday in la dhawro hantidan muhiimka u ah bulshada deegaanka, maadaama biyuhu ay yihiin nolosha bini’aadamka waxa ugu muhiimsan.
Gudoomiye Tigey wuxuu la sheekeystay dadka xoola dhaqatada ah ee deggan deegaanka Buubi waxayna u sheegeen in ay ku noolaayeen nolol adag, gaar ahaan dhinaca waraabka marka loo eego oo aysan heli jirin biyo ku filan iyaga iyo xoolaha ay dhaqdaan, Gudoomiyaha ayaa dadka deegaanka u sheegay in looga fadhiyo in ay ilaashadaan ceelbiyoodkooda, wuxuuna mahad celin u jeediyay dhinacyadii iska kaashaday qodista ceelkaasi sida hay’adda TADAMUN iyo Bangiga horumarinta Islaamka.
Gudoomiyaha Hay’adda TADAMUN C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan iyo Madaxa Hay’adda TADAMUN xafiiskeeda gobolka Mudug Jamaalludiin C/kariim Gabanow ayaa waxay halkaasi ka jeediyeen khudbado ku saabsan ceelbiyoodka Buubi laga qoday iyo hadalo ku saabsan waxqabadka dhinaca bulshada ee Hay’adda TADAMUN.
Waa ceelbiyoodkii labaad ee laga qodo deegaanka Buubi ee hoostaga degmada Jariiban ee gobolka Mudug, waxaana horey deegaankaasi looga qoday ceel weyn oo biyo yeelan waayay.



Gudoomiye Tigey oo ari ugu yeeraya biyaha ceelka laga qoday Buubi





Geel ka cabaya ceelka laga qoday deegaanka Buubi.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo la fadhiya Waxgaradka iyo bulshada deegaanka Buubi


