|

Gurmadka Qaran:- $150’000 oo dollar oo caawo laga aruuriyay masaajidka Alhuda ee magaalada Garowe

Waxaaa si rasmi ah uga bilowday masjidka Al-hudaa ee Garoow olole loogu gurmanayo walaalihii Soomaliyeed ee lagu laayey is goyka Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Ololaha ka bilowday masjidka Al-hudaa ayaa waxaa caawa oo Taariikhdu tahay 18/10/2017 si wanaagsan ku soo dhamaaday wajigii 1aad ee Gurmadka ee lagu qabtay Masjidka Al-Huda Garowe.

Gudiga gurmadka ayaa waxaa gudoomiye waxaa u ah Sh Maxamuud Xaaji Yusuf waxayna uu ka kooban yahay 15 Xubnood waxaana loo balan san yahay in Bari oo Jimca ah dhamaan Masaajidda Garowe in laga sii wado lacag aruurinta.

Lacagta Garowe laga aruurshay caawa waxay gaaraysaa $150’000 Boqol Iyo Konton Kun oo Doolar waxaana la filayaa in ay ka sii badato lacagtu maadaama maalinta beri ahi layskugu Imaanayo Inta badan Masaajidda waawayn ee Garowe.

Hoos ka ka akhriso Magacada qaybo ka mid ah dadka ku yaboohay lacagta qaatay Gurmadka.

1. Baarlamanka #Puntland: $6,600-K.

2. Olalaha WaanAwoodnaa: $27,000-K.

3. Wasaarada Cadaaladda #Puntland: $1,000-K.

4. Xawaadda Iftin: $5,000-K.

5.Pharmacy-yaasha Garowe $8,700-K.

6. Shirkada Korontada Garowe ee Necsom: $5,000 -K.

7.Shirkadda Biyaha Garowe Nuwako: $5,000 -K.

8.Shirkada OPEC -Garowe: $2,000 )

9.Wiil Yar oo la gadhaho Cumar: Dahabka Hooyadii ayuu ku deeqay.

10.Shaqaalaha Salaama Bank $500

11.Xaaji Yuusuf Cambo $1,00- K.
12. Cawad Cismaan $100.

13.Siciid M. Xuseen: $400 Mushaarkiisii Oktoobar.

14.Bixin Sper Parts: $1.000 -K

15.Cabdilaahi Salaad Cali: $1,000 -K.

16.Anas (Wiil-yar) $20-dollar.

17.Mu’adin ka Masjidu Hudda : $100.
18.Gudoomiyaha Dangoronyo: 1,000 -K.
19. Ayub: $5(Wiil-yar)
20.Haaruun l:100 Shilling Somali.

21. (Wiil Yar) Maxamed Farah, $100.

22. Siciid $100.

23. Shiikh Dalmar Guureeye $500.
23.Cali Cuuke $100.
Mardhow Filo Muuqaal
Nuur Jaamac Aadan
Halgan.net Garowe

Nuur Jaamac Aadan

Comments are closed