|

Gurmadkii Puntland oo gaaray magaalada Muqdisho.

Diyaaraddii u horreeeysay oo sida gurmad daawo ah oo ka socota Puntland ayaa saacado ka hor ka degtay magaalada Muqdisho, diyaaradda waxaa kalo ay siddey dhakhaatir, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad naqay Puntland sida ay uga qeyb qaadanayso ka maamul ahaan howlaha gurmadka ah iyo sidoo kale maamullada kale ee dalka kajira,laakin Puntland waxaa loo diwaangaliyay dowlad-gobolleedkii ugu horreeyay ee diyaarad sidda gurmad garsiiyay Muqdisho, tan iyo markii uu qaraxii darnaa ka dhacay Muqdisho 14 bishan.

Puntlandi.com

Comments are closed