abaaraha
|

halkan ka akhri ajandaha yaq-yaqsiga ah ee shirka kooxda Federaal diidku loogu ogolaadey iney ku qabtaan Garowe iyo ujeedada ka dambeysa

Waxaa ayaan daro ah in maanta uu Garowe ka furmo shir loogu yeerey kulan Cilmi baaris ah oo ay soo qaban qaabiyeen kooxda Federaal diidka ee huwan magaca Hay’ada loogu yeero Heritage oo uu hogaansho Cabdi Ceynte.

Ajandaha kulanka la sheegey iney Reer Puntland ka doodayaan was sidan hoose;-

1–Nidaamkee Federaal ah ayaa Somalia u haboon?

2–Somalidu nidaamka Federaalka ma si cilmi ku dhisan ayey ku wadaan mise habqaldan, sida hada wax ku socdaan sidee u aragtaa? -

3– Hadii ay suura gali waydo in la qaato habka aad rabto, habkee ayaa kuugu soo xiga oo aad is-leedahay waa la qaadan karaa?

4– Hanaankee ayaad is-leedahay waa in laga fogaado, sababta sheeg?

5– Federaaleyntu ma waxaad is-leedahay Soomali ayaa riixeysa, mise awoodo kale oo dibada ah?  iyo kuwa la mid ah.

Hay’adaan oo ku caan ah ka been sheegid Cilmi baaris ay sheegaan in ay sameeyaan,ayaa ujeedkooda ugu wayn wuxuu yahay inay burburiyaan nidaamka Federaalka, waxaana ka dambeeya oo daaha gadaashiisa fadhiya kooxda Federaal-diidka ah.

” Waxaa ayaan daro ah Puntland oo aheyd hooyadii Federaalka Somalia in shacabkeeda la waydiiyo maanta su’aalahaan iyo kuwa lamid ah” sidaas waxaa yiri Cabdi Maxmud oo kamid ahaa dada haysta casumaada lagaga qayb galayo Bar-naamijkaas.

Kooxda hurmuudka u ah cilmi baaristaan ayaa wararku sheegayaan in laga soo eryey xarunta maamulka Somaliland ee Hargeysa, kadib markii dowlada wax ka ogaatey qorshaha Barnaamijkooda.

Wararka ku xeeran Barnaamijkan cilmi baaritsa ee hay’ada Heritage riixeyso ayaa sheegaya iney hordhac u yihiin qodobo la rabo in la hordhigo guddiga dib-u-eegista ku sameynaya Dastuurka Federaalka kuwaasoo dhowaan la magaacbey.

Puntlandi,Garoowe.

wwww.puntlandi.com.

Comments are closed

aet