|

HAMBALYO : – Cabdirashid Abukar Cabdi oo xalay loo doortay Xildhibaan ka tirsan golaha degaanka Magaalada Odense ee Dalka Danmark


Xildhibaan Cabdirashiid Abukar Cabdi

Dhamaan Jaaliyada Somaaliyeed ee Dalka Danmark waxay hambalyo u diraysaa Xildhibaan Cabdirashiid Abukar Cabdi oo doorashadii shalay ka dhacday Dalka Danmark ku guuleystay in loo doorto Xildhibaan ka mid noqon doona golaha degaanka Magaalada Odense.

Cabdirashiid Abukar Cabdi oo shakhsi somaaliyeed oo dadaal iyo wax qabad muuqada ku soo kordhiyey Shacbiga Somaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Odensa ayaa noqonya muwaadinkii ugu horeyey ee Somaaliyeed ee ku biira guriga looga taliyo magaalada Odense.

Mar labaad waxay Jaaliyada Somaaliyeed leedahay Cabdirashiid Hambalyo, waxayna u rajeynaysaa guul iyo horumar

You must be logged in to post a comment Login