|

(Sawirro) Hay’adda PDRC oo Wacyigalin Nabada ah ka wada deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Carmo(Puntlandi.com):- Hay’adda Cilmi-baaritsa Puntland ee PDRC ayaa kulamo wacyigalin iyo Nabadaynba isugu jira ka wada deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Kulamadan oo ay ka qaybqaadanayaan qaybaha bulshada iyo maamulka ayaa waxaa aad loogu laga furayaa Arrimo la xiriira Ahmiyada nabadda, kaalinta bulshadu ay ku leedahay hagaajinta nabada iyo dhamaynta xiisadaha ka dhex aloosma bulshada gobolkan Bari.

Mid ka mid ah kulamadan oo ka dhacay degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa waxaa lagu qabtay dugsiga H/dhexe ee Xaaji salad waxaana isugu yimid dadweyne aad u farabadan oo haween, Rag, Waayeel  iyo dhalinyaraba leh waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa Maamulka Degmada Carmo ee gobolka Bari, Masuuliyiin ka socotay wasaarada Waxbarshada puntland, Xubno ka tirsan Hay’adda Cilmi-baarista Puntland ee PDRC iyo Ciidamada Ammaanka ee degmada Waxaana madashan lagu soo bandhigay Muuqaalo ka hadlaya Nabadaynta, taariikhdii SYL iyo Muhiimada waxbarashada.

Kulankan waxaa ka hadlay xubno farabadan oo isugu jira Arday degmada, Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka qaybihiisa kala duwan, haweenka, Dhalinyarada, ganacsatada iyo Masuuliyiinta dawlada waxayna dhamaan si qoto dheer dareenkooda ugu muujiyeen muhiimada Nabadu ay deegaanka u leedahay iyo xusuusta dhabta ay ee ay ku reebtay hanaankii nabadaynta ee deegaankan horay looga sameeyay kana mid ahaan waxyaabihii Muuqaalada lagu soo bandhigay intii uu shirkani socday.

Waxaa si weyn iyana looga hadlay Waxbarashada iyo kaalinta ay ka qaadato horumarka deegaanka, waxaana la isku booriyay in kaalinta ugu horaysa laga dhigo in bulshada wax la baro si ay uga jaahil baxaan una ogaadaan waxyaabaha khaldaadka iyo dhibaatada horseeda iyo waxyaabaha wanaagu uu ku jiro, waxaana aad loo biiriyay in la tayeeyo hanaanka waxbarasho ee degmada iyadoo dhamaan laga wada qayb qaadanayo.

Waxaa kaloo iyana aad loo soo qaatay aadna afkaar qiimo badan looga dhiibtay Nabada iyo qiimaha ay deegaankan u leedahay, waxaana bulshada si isku mid ah kulankan loogu dareensiiyay in nabadu ay tahay shayka kaliya ee suurtagaliya Nolosha dhabta ah ee bulshooyinka iyo in deganaan ay dadku ku wada noolaadaan si loo helo caadaalad, sinaan iyo wax wada qabsi, horumarkan loo gaaro.

Hawlwadeenada Hay’adda cilmi-baarista puntland ee PDRC ayaa aad ugu dadaalayay in ay bulshada fahamsiiyaan dareenka dhabta ah ee Nabadu ay leedahay iyo isbadelka ku iman kara hadii bulshadu ay nabada deegaanka u wada istaagto.

Barnaamijkani oo ahaa mid aad u qiimo iyo ahmiyad badan waxaa si toos ah u tabinayay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ee puntland gaar ahaan Idaacada FM-ta ah si bulshadu ay meelo badan ugala socdaan sialamarkaana ay uga faa’idaystaan xaqiiqooyinka lagu soo bandhigayo iyo natiijooyinka Nabada deegaanka lagu dhaliyo ee siyaabaha kala duwan loo soo gudbinayay.

Kulankani wuxuu qayb ka ahaa kulamo joogta ah oo hay’adda cilmibaarista puntland ay ka waday gobollada  Puntland islamarkaana ku saabsan wacyigalinta nabada iyo fahamsiinta habka nabadaynta ee deegaanada colaaduhu ay ka jiraan, waxayna horay uga soo qabatay degmooyin farabadna oo aad uga fog laamiga sida degmada jariiban ee gobolka Mudug.

www.puntlandi.com

image jpg 1728-225

image jpg 1728-222

image jpg 1728-236

image jpg 1728-228

image jpg 1728-223

image jpg 1728-233

image jpg 1728-224

image jpg 1728-238

image jpg 1728-242

image jpg 1728-239

image jpg 1728-227

Comments are closed