|

Safarka macnaha daran ee M/weyne Farmaajo ma igu sawir baa mise raali gelin ayuu ka bixin donaa Aflaagdooyinkiisi hore ee uu u geystay Waxgaradkii hore ee Reer Puntland ” Heestii Webiga ku wata ee ku wal-waalayaa xaggee buu ku wadaa ; Weydiiya oo , imsaanu Walwaal iyo Ceel Wardheer uga baxnay wadaan, wabxa aanuna Noqon “

Mashaaricda furitaankooda iyo dhagax-dhigooda M/weyne Farmaajo uga qeyb galyo safarkiisa Puntland, waxaa isweydiin leh maxaay isaga iyo Xukumadiisa Federaalku ku darsadeen, jawaabtu waa waxba !!!!! Markaa Safarka M/weynuhu waa safar macno daro ah ( Igu Sawir ) oo aan shacbiga iyo Degaanada Puntland waxba ku soo kordhineyn

Kaliya waa inuu raali gelin ka bixiyaa, oo lagula xisaabtamaa Aflagaadoyinkii iyo Caydii uu Buugiisa ugu geystay Allaah ha u naxariistee Odayaashii iyo Waxgaradkii Somaaliyeed ee ka soo jeeday Puntland ee ay ka mid ahaayeen.

Allaah ha u naxariistee Ex-Madaxweyne Aden Cabdille Cusmaan( Aden Cade )

Allaah ha u naxariistee Ex-Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake

Allaah ha u naxariisto Ex-Raisal Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Allaah ha naxariiste Ex- Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Ahmed

Allaah ha u naxariistee Ganacsade Xaaji Ibraahin Uunlaaye
Allaah ha u naxariiste Ex-Taliyihii Booliska Somaaliyeed General Maxamed Abshir Muse.

Allaah ha u naxariisto Xaaji Muse Boqor

Halkan ka daawo Heestii ” Webi baa i watoo i walwaalayaa xagge buu igu waa, imisaan Walwaal iyo ceel wardheer iga baxay wadaan, waxba aanan noqon iyo codkii Fanaanada Khadra Dahir Cige “,

You must be logged in to post a comment Login