abaaraha
|

Howlgal Amniga Lagu Xaqiijinayo Oo Ka Socda Magaalada Gaalkacyo

Howlgal balaaran oo lagu xaqiijinayo amniga ayaa ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Ciidamo badan oo baaraya dadka iyo gaadiidka ayaa lagu daadiyay xaafadaha kala duwan ee magaalada Gaalkacyo.

Maamulka gobalka Mudug ayaa sheegay in la bilaabay howlgal lagu sugayo amniga magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobalka Mudug, Maxamed Ciise Warsame  ayaa Shacabka ugu baaqay iney la shaqeeyaan Ciidamada amniga sugaya.

Maxamed Ciise Warsame ayaa Gaadiidlayda uga digay iney Baabuurtooda ku xiraan ama dhajiyaan bacaha madow.

Amniga Gaalkacyo ayaa Todobaadyadii la soo dhaafay soo hagaagay, waxaase soo baxay kooxo dadka baaranaya.

You must be logged in to post a comment Login

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n